Maxkamdda ciidamda oo xukun ku riday odayaashii Cadaado ee heshiiska lagalay Alshabaab

odayaalcadaado

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa maanta shan sano oo xabsi ah iyo il ku haynta Booliska ku xukuntay Odayaal Cadaado laga soo xiray December 27-dii Sanadkii tegay Kadib Heshiis ay Khawaarijta kula galeen Xarardheere intii aan  khawaarijta laga saarin 16-kii bishan.sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

18-kii January sanadkan ayay soo dhamaatay Maxkamadaynta Cumar Maxamed Jimcaale Aadan (Cumar Faniinte), Cali Axmed Xayle Caraalle (Cali Yare) iyo Sugaal Warsame Cali Yarow.

Ciidamada Amniga ayaa Cadaado ka soo xiray December 27-keedii Sanadkii tegay Odayashan oo heshiis kula soo galay Xarardheere inta aan laga xorreyn khawaarijta.

Odayaasha ayaa diiday amar dowladda ka yimid oo ahaa in aan lala macaamili karin Argagixisada oo ay dowladdu dagaal kula jirto, waxa ayna is geeyeen si’ iskood ah Xarardheere,Odayaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.