Shirwey oo Looga Soo Horjeedo Somaliland ayaa ka furmay Laascaanood

Laascaanood

Shirweynaha aaya ka tashiga Gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaa Maanta si rasmi ah uga furmay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, waxaana shirkaas qaban-qaabadiisa ay maalmihii lasoo dhaafay ka socotay magaalada Laascaanood.

Ujeedada shirkan, ayaa lagu sheegay inuu yahay aayo ka tashiga maamulka gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Madax dhaqameedka ku sugan Laasacaanood, ayaa diiddan kamid ahaanshaha Maamulka Somaliland, oo magaalada xukumaysay 15-kii sano ee la soo dhaafay.

Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed, afhayeenka golaha dhaqanka ee maanta shiraya, ayaa ka warramay in shirkani la isugu yeeray hoggaanka dhaqanka gobolkani, meel walboo ay ka joogaan dunida.

Garaadka, ayaa carabka ku dhuftay in xubnaha guddiga la magacaabay kaliya aanay shirka ka qeyb galeyn, balse dhinacyada kala duwan ee bulshaduna ay qeyb ka yihiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.