Xaalada Baydhabo oo Dagan iyo Hadalkii Xasan Sheekh ee Somali heshiis ah oo Fashilmay

Warar dheeraad ah oo laga helayaa dagaal u dhexeeya ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa la magac baxay badbaadada Koonfur Galbeed ee Maal Galisay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa saaka ka dhacay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka Maamulka oo howlgal rondo ah ku jira ay soo weerareen kooxo burcad ah jidkooyo u dhigtay oo rabay in amniga qalqal geliyaan.

Wasaaradda amniga oo Qoraal kooban soo saartay ayaa intaas waxaa ay kusii dartay in  , waxkasto oo amniga caasimadda KMG ah ee Baydhabo khal-khal gelinaya ay  gacan bir baan iskaga qaban doonaan.

Xaalada Magaalada Baydhabo baa hada ah mid dagan waxaana Caadi u socda Gadiidka iyo dadwaynaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.