Wafti Kasocda Dowlada Ingiriiska oo lagu soo dhaweeyey Gobolka Gedo

Wasirka Hormarinta Iyo Arrimaha Africa Ee Dowlad ingriiska Andrew Mitchell iyo Safiirka Dowlada Uk ayaa soo gaarey Degmada Dolow ee Gobolka Gedo

Maamulka Gobalka Gedo Oo Uu Ugu Horeeyo Gudomiyaha Gobolka Gedo Mudane Ahmed Bulle Gared, Taliyaha nabad-suggidda Gobalka Col Bakaal Kooke Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Cabduqaadir Biixi Gudoomiyaha Degmada Dolow Maxamed Xuseen Cabdi Lafey Gudoomiyaha Degmada Garbaharey Xasan Shiikh Cilmi Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubaland Abdirahman Mohamed Husein iyo Masuliyiin kale Ayaa Wafdigan Wasiirka uu Hogaaminayo Soo Dhaweeyay,

Safiirka dowladda UK ee Soomaaliya, Kate Foster iyo wasiirka Hormarinta ArrimahaAfrica ee Dolwada Ingiriiska Andrew Mitcheel iyo Masuliyiinta Gobolka Gedo waxaa ay ka wada hadleen dardar-galinta barnaamijyadda horumarineed ee dowladda Britain ka tageerto Soomaaliya ee leh dhinacyada kala duwan sida gargaarka horumarinta Waxbarashada Cafimaadka Biyaha Beeraha & Amniga.

Sido kale waxaa laga wadda hadlay arrimaha Abaaraha ee ka jira dalka, gaar ahaan dadka cusub ee Degmada Doolow iyo Gobolka Gedo soo gaaraya sidii ay Dowladda UK gacan uga geysan lahayd taakuleenta Dadkaasi, Dabcan Kamana Marna Arrimaha Siyaasadda.

hoos ka daawo warbixintii Suxufi Cabdinuur

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.