Dowlada oo meel marisay siyaasadda jaangoynta mushaarka Iyo darajooyinka shaqaalaha rayidka

Astaan

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ay yeeshan ayaa ansixiyey Siyaasadda Jaangoynta Mushaarka Iyo Darajooyinka Shaqaalaha rayidka ee Dowladda oo ay golaha hor keentay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshadda.

Siyaasadda Jaangoynta Mushaarka Iyo Darajooyinka Shaqaalaha rayidka ee Dowladda waxa ay caawinaysaa xaqiijinta ujeedooyinka dawladda ee ku saabsan habka mushahar-bixinta iyo astaynta darajooyinka shaqaalaha rayidka ah.

Baahida siyaasaddan hirigelinteeda keentay ayaa ah in laga guuro nidaamkii hore ee darajooyinka shaqaalaha ee ku saleysnaa kaliya heerka waxbarasho, loona guuro nidaam cusub oo ku saleysan baahiyada shaqo kasta oo dowladeed kuwaas oo ay ka mid tahay: aqoon, waayo aragnimo, xirfad iyo karti.

Siyaasadda la meel mariyay ayaa meesha ka saareysa nidaamka hadda jira ee Darajada Shaqaalaha oo ku saleysan kaliya ‘Heer Waxbarasho’ balse aanan loo eegin heerarka kala duwan ee mas’uuliyadaha shaqooyinka la qabanayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.