Taliyaha Ciidanka Dhulka Generaal Biixi oo Gaaray Cadale

biixi

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Gen. Maxamed Tahliil Biixi, ayaa maanta gaaray Degmadda Cadale ee gobolka Sh.dhexe, si loo dardar-geliyo howlgalada lagu baacsanayo argagixisada ee gobolkaasi ka socda.

Generaal Biixi ayaa kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Waxaana uu kala hadlay xoojinta kaalintooda kaga aadan dagaalka Khawaarijta Alshabaab.

Ujeedka Safarka Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, ayaa ah Isku-dabaridka Howlgalada lagu Xoreynayo Deegaanada argagixisada ay kaga dhuumanayaan Gobolka Sh.dhexe iyo Gobolada deriska la ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.