Dhageyso:Kenya oo Dal ku Galka u diiday Soomalida u dhoofaysa Nairobi

Xasansheekh

Dowlada Kenya ayaa Jabisay heshiiskii ay la gashay Soomaaliya kaas oo Fiisaha Soomaalida lagu siinaayey si fudud taas badelkeedana Kenya waxaa loo Fasaxay inay Khaadkeeda Soomaaliya Yimaado Maalin kasta.

Ganacsatada iyo Shacabka Soomaalida ee u kala safra dalalka Soomaaliya iyo Kenya, ayaa bilihii u dambeeyay wajahayay caqabado dhanka safarka ah, kaddib markii uu hakad ku yimid dal-ku-galka Kenya.

Arrintan ayaa waxaa ay si gaar ah u saameysay dadka ku safra baasaboorka Soomaaliya, ee u socdaalaya dalkan Kenya.

Kuwani ayaa waxay isugu jiraan kuwa dalka Kenya u yimaada arrimo ganacsi, caafimaad, wax-barasho, dalxiis iyo siyaabo kale.

Soomaaliya iyo Kenya, ayaa ah labo dal oo deris ah oo xad aad u dheerna wadaaga, dano badanna ay ka dhaxeeyaan.

Axmed Ciise Cawad oo ah wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa BBC-da u waramay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.