Ra’iisalwasaare Xamse oo Caawa Dalka Dib ugu Soo Laabtay

xamse

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Bare iyo wafdigii uu hoggaamiyay oo booqasho rasmi ah ugu maqnaa dalka Jabuuti ayaa caawa ku soo laabtay dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mudadii uu joogay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti waxa uu kulamo la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Mudane Cabdulqadir Kaamil Maxamed.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Jabuuti ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti, gaar ahaan dhinaca amniga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.