Sawiro:Kulan Dhexmaray Mujaahid Cali Jeyte iyo Gudoomiye Aadan Madoobe

Cali jeyte

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeeyte Cismaan oo howlo shaqo u jooga magalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ugu warbixiyay xaalada gobolka Hiiraan iyo dagaalaada dalka loogu xorreynaayo kooxda Khawaariijta Al Shabaab oo jab xooggan lagu gaarsiiyay degaannada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, oo ciidaanka geesiyaasha kala wareegeen degaanno hor leh.

Ku-simaha Madaxweynaha oo boggaadiyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo mas’uuliyiinta ku sugan jiida hore ee dagaalka ayaa ammaanay Ciidanka Qaranka oo har iyo habeen u soo jeeda sidii guud ahaan dalka looga xorreyn lahaa kooxda Khawaariijta Al Shabaab, isagoona kula dardaarmay in la xoojiyo loona midoobo dagaalka Khawaariijta.

May be an image of 3 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 5 people, people standing and indoor

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.