Sawiro:Wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug oo shaacisay liiska xildhibaannada Dhuusamareeb

waayeel

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u-heshiisiinta dowlad goboleedka Galmudug ayaa shaacisay liiska xildhibaannada golaha deegaanka Degmada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, kadib doorashadii ka dhacaday magaalada, taas oo lagu soo doortay xubnaha kamid noqonaya golaha degmada Dhuusamareeb.

Maalinimadii Isniinta aheyd ayaa bulshada Dhuusamareeb waxaa ay u dareertay doorashada golaha, kuwaas oo ka kooban 33 xubnood, waxaana maalintii koowaad lasoo doortay 15, xubnood, halka 18 xubnood oo kale dib looga kale doortay maalmihii xigay, waxaana wadartay xildhibaannadu tahay 33 mudane.

Golaha deegaanka Dhuusamareeb oo ah xildhibaanadii ugu horeeyay ee heer deegaan ay yeelato Dhuusamareeb ayaa maanta ladhaariyay, iyadoo ay munaasabada goob joog ka ahaayeen wasiirka arrimaha gudaha Galmudug, gudiga doorashooyinka dowladaha hoose iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug.

Wasiirka arrimaha gudaha Galmudug Cabdi-waayeel oo la dardaarmay Xildhibaanada Gollaha Deegaanka Dhuusamareeb ayaa shaaciyay in maalinta barito ah la qabanayo doorashada gudoomiyaha iyo kuxigeenka oo ay xubnaha goluhu Iska dhex dooran doonaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.