Sawiro:RW Xamse oo qaabilay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee taageera Soomaaliya

xamse

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee taageera Soomaaliya (UNSOS) Lisa Filipetto.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta wadashaqeynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya, gaar ahaan xilligan ay socdaan hawlgallada iyo dagaalka ay hormuudka u tahay dowladda kuwaasi lagu ciribtirayo kooxda argagixisada.

Waxay si gaar ah uga wada hadleen sidii deg deg loogu gaarsiin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin shacabka ku sugan deegaannada laga xorreeyay argagixisada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.