Akhriso:Soomaaliya oo sameysay hab lagu la dagaalamayo lacagaha baada ah ee Shabaab

Astaan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sameysay hab gaar ah oo shacabka Soomaaliyeed ugu soo gudbin karaan dadka aruuriya baada ay argagixisada ka qaadaan Ganacsatada.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Wasiirrada Maaliyadda, Amniga iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarrada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa waxaa faah faahin looga bixiyay farriinta ka soo baxday Dowladda.

Wasiir ku xigeenka Wasaarrada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-caddaala ayaa sheegay in Dowladdu sameysay lambaro gaar ah oo ay gacanta ku hayaan shaqaale loo tabababaray.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka ayaa ganacsatada xasuusiyay in ay ka feejignaadaan in hantidooda loo adeegsado hub lagu soo iibiyo lagu gumaado Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Wasiirka Amniga ayaa isuguna tilmaamay in go’aanka loo qaaday si loo xoojiyo dagaalka iyo kacdoonka ka dhanka ah Argagixisada Al-shabaab.

Waxay noqon kartaa sawirka Qoraal

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.