Ciidamadii haramcad oo ku Dhamaaday daagal aan hogaan La hayn oo ka Dhacay Basra

Ciidan

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal ciidamadda dowladda iyo Al-Shabaab ku dhexmaray deegaan lagu magacaabo Muryaale oo u dhaxaysa Basra iyo Balcad ee ee Gobolka Sahbeellaha Dhexe.

Allaha Unaxariistee Wararka la helayo ayaa sheegaya in inkabadan 10 askari oo ka tirsan ciidamadda dowladda oo ay ku jiraan saraakiil lagu dilay dagaalka, iyadoo xaaladda wali ay tahay mid kacsan.

Dadka dagaalka ku dhintay waxaa kamid ah sarkaalkii hoggaaminayay ciidamadda Haramcad ee halkaasi joogay oo lagu magacaabi jirey Xabiib Salad Xoreyste, isagoo ku geeriyooday toogasho ay u geysteen kooxda.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in kudhowaad 30 askari nolol iyo geeri lagu la’yahay, kuwaasoo dhinaca wabiga u daatay kadib markii qaraxyo loo adeegsaday qoriga Zabanka lagu garaacay ciidamadda.

Waxaa sidoo kale jira saraakiil uu kamid yahay taliyaha Nabad Sugida degmada Kaxda Xasan Fanax oo ku dhaawacmay dagaalka, waxeyna dowladda deegaanka Basra u dirtay Gurmad soo qaada dhaawacyada iyo meydadka, si loo keeno magaalada Muqdisho.

Wiilashaas Dhalinyarada ah ee Masawirka idinkaga Muuqata iyo kuwa kale ayaa ku dhintay dagaalada Basra, sida ay sheegaan Saraakiisha ciidamada jabka soo gaaray Ciidamada Dowlada ayaa loo anaynayaa dagaalka lagula jiro shabaabka oo aan lahayn hagid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.