Sawiro:Ra’iisulwasaare Xamse oo qaabilay wafdi ka socda Save the Children

xamse

Ra’isul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wafdi ka socda Hay’adda Bedbaadada Carruurta ee Save The Children oo uu hoggaaminayey Agaasime Gobolleedka hay’addaas ee Bariga iyo Koonfurta Afrika, Ian Vale, oo ay wehliyaan Agaasimaha hay’adda ee Soomaaliya iyo ku xigeenkiisa, Maxamud Maxamed iyo Maxamed Cabdiladiif.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xamse iyo wafdiga Save The Children ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimo khuseeya hawlaha samafal ee hay’addu ka hayso Soomaaliya, gaar ahaan daryeelka iyo bedqabka carruurta xilligan abaaruhu jiraan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.