Shabaab oo Qarax la Beegsaday Dhaliyaro Ciidanka Xagaa

qorax

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo Argagixisada Shabaab saaka ka fuliyeen gudaha magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo si xoogan looga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ka dhacay xero Nacnac oo ku taallo waddada aada dhanka deegaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, kaas oo beegsaday dhalinyaro dooneysay inay ku biiraan ciidamada Xoogga dalka oo xilligaas lagu diiwaangelinayey xerarada.

Qarax ayaa Gaystay Qasaaro laakiin laamaha amniga ma shaacin wali dhimashada iyo dhaawac uu gaystay qaraxaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.