Madaxwayne Laftagareen oo Ka Tacsiyeey Geeridii Xildhibaan Boorow

laftagareen

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorkii Marxuumku uu ka soo qaatay dowladnimada, midnimada, nabadda, xasilloonida Dowlad-dhiska Koonfur Galbeed iyo horumarka Shacabka Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waa geeri xanuun badan, Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Mursal (Boorow) qoyska, qaraabada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed Samir iyo Iiman Alle hainaga wada siiyo,Marxuum Boorow wuxuu ahaa mudane ka tirsan Golaha Shacabka, waxa uuna si hufan ugu soo shaqeeyey Qarankeenna. Isagoona lagu xasuusto doorkii uu ku lahaa Dowlad dhiska Dalka,Nabadaynta bulshada iyo Hormarinta Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa Alle u waydiiyey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeello Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.