Madaxwaynaha Koonfurgalbeed oo Baydhabo dib Ugu Laabtay

lafatagareen

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Ku-meel Gaarka uah Dowladda Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka kaga qeybgalay Shirka Gollaha Wadatashiga Qaranka ee looga hadlay Arimaha Xoojinta Amniga iyo Abaaraha.

Garoonka Diyaaradaha Dr Shaati-gaduud ee Magaalada Baydhabo Wafdiga Madaxweynaha waxaa kuso dhoweyey Wasiiro,Xildhibaano,Maamulka Gobolka Baay,kan Degmada Baydhabo,Saraakiil Ciidan,Siyaasiyiin iyo Qeybaha kala Duwan ee Bulshada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.