Daawo:Madaxwayne Xasan Sheekh oo Ka hadlay Waxuu Looga hadlay Madasha Qaran

xasansheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray kulankii labaad ee shirka Golaha Wadatashiga Qaran kaasoo socday muddo laba maalmood ah ka socday Muqdisho.

Shirkaan waxaa ka soo qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid
Cabdullaahi Deni oo isagu kaga qeyb-galay aalladda fogaan aragga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.