Shirkii Dowlada iyo Maamul Goboleedyada oo Muqdisho ka Furmaya

maamul

Shirka madasha wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa maalmaha soo socda ka furmaya magaalada Muqdisho, sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Amb: Axmed Macalin Fiqi.

Shirkan oo looga hadlayo xaaladda guud ee dalka ayaa inta uu socdo waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa arrimaha Abaaraha iyo ciribtirka Argagixisada.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo shalay gelinkii dambe Muqdisho soo gaaray si uu kaga qeyb galo shirka wadatashiga Qaranka ayaa rajeeyay shirkan in ay ka soo baxaan qodobo dhaxal gal ah oo looga baxo xaaladaha adag ee dalka uu wajahayo.

“ Waxaan rajeynayaa in shirkan nabad noogu furmo, nabadna noogu dhammaado, dadka iyo dadka Soomaaliyeed daruufaha iyo marxaladaha adag ay ku jiraan oo ay ugu horeeyaan abaaraha iyo culeyska argagixisada looga hadlo,” ayuu yiri madaxweyne Lafta-gareen.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ka bilowday dalka.

Madaxweynayaasha maamulada Jubaland,Hirshabelle,Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa shalay Muqdisho soo gaaray si ay kaga qeyb galaan shirka madasha wadatashiga Qaranka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.