Daawo:Fiqi oo Ka hadlay Waxa ku kalifay Inuu Qoorqoor Garoonka Muqdisho Kusoo dhaweeyo

qoorqoor

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Muqdisho ee xarunta wadanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee XFS, xubno ka tirsan BFS iyo masuuliyiin kale.

Ujeedka safarka Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ah in uu Muqdisho kaga qeyb gali doono Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee dhax mari doona Dowladda Dhexe iyo Dowladaha Xubnaha ka ah DFS.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.