Sawiro:Shirka Golaha Wadatashiga oo Ka Furmay Muqdisho iyo Deni oo Uga qayb galay Zoom

xasansheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo muddo labo maalmood ah socon doona ayaa Madaxda Qaranka ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad-Goboleedyada dalka, waxa ay ku lafo-guri doonaan arrimaha hortebinta u leh shacabka iyo dowladda, gaar ahaan sugidda amniga dalka, wax ka qabashada saameynta abaaraha dalka ka jira iyo la dagaallanka argagixisada.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka waxaa ka qeyb galayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hiirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo uga qeyb-galay aaladda Fogaan aragga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.