Sawiro:Aadan Madoobe Oo Kulan La Qaatay Haweenka Ku Barlamaanka Soomaaliya

Aadanmadoobe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay guddi ka socda Xildhibaannada haweenka ah ee ku jira Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha , ayaa marka hore warbxin ka dhageystay xildhibaannadda haweenka ah iyagoo is weydaarsaday sidii haweenka tageero uga heli lahaayeen ka qeyb galka siyaasada iyo awoodsiinta.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa boggaadiyey howlkarnimadda ay sameynayaan haweenka Xildhibaannadda ah ee ku jira Golaha Shacabka BaarlamaankaJamhuuriyaddaFederaalkaSoomaaliya, isagoo la wadaagay inay xoojiyaan midnimada xildhibaanada haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaana uu u sheegay inay heli doonaan aqoon kororsi ku aaddan hanaanka sharci dejinta Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.