Sawiro:Muqtaar Roobow oo kulan la yeeshay Guddiga Garsoorka iyo Awqaafta ee Golaha Shacabka BFS

muqtaar

Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo arrimha diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sh. Mukhtar Roobow Cali oo ay wehliyaan wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Saalax Shariif Sayid Cali iyo Lataliye Sare Maxamed Kheyrow Aadan ayaa Guddiga warbixin ka siiyay howlaha baaxada leh ee Wasaaradda horyaala iyo qorshaha isbedel ee ay qorsheynayaan in ay ku gaaraan howlaha hortabinta u leh Wasaaradda.

Wasiirka ayaa ku dheeraaday ka warbixinta muhiimada ay Wasaaraddan u leedahay Qaranka, isagoo ka codsaday Guddiga inay garab ku siiyaan suurtagelinta howlaha hortabinta u leh Wasaaradda.

Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo arrimha Diinta Golaha Shacabka BFS Mudane Cali Xaji Daahir Saleeban iyo Xubnaha Guddiga ka midka ah ee ku wehliyay Koormeeka ayaa wasiiradda uga mahadceliyay soo dhaweynta ay ugu sameeyeen xarunta Wasaaradda.

Guddoomiyaha Guddiga ayaa ku amaanay Wasiiradda aragtida hoggaamineed ee ay ku wajaheen howlaha hortabinta u leh Wasaaradda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.