Sawiro:Gudoomiye Aadan Madoobe oo Kulan La Qaatay Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka 

Aadanmadoobe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Feseraalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo labadiisa ku-xigeen, ayaa maanta kulankii ugu horreeyey la qaatay Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka.

kulanka ayaa waxaa warbixin looga dhageystay Habdhowraha Golaha Shacabka iyo howlwadeennadda Guddiyada, iyagoo mid mid u sharaxay shaqada baaxada leh oo ay u hayaan Golaha Shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka, ayaa sidoo kale looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa shaqada Guddiga joogtada ah, Guddiyada Golaha Shacabka iyo diyaarinta shuruucda Golaha ee kalfadhiga labaad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.