Madaxwaynaha Galmudug oo Booqday Xarunta Agoonta Degmada Caabudwaaq

Agoonta

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa booqday xarunta agoonta ee degmada Caabudwaaq, waxaana ku wehlinayay maamulka Xarunta agoonta iyo , wasiiro iyo xildhibaano katirsan dowladda Galmudug.

Madaxweyhana ayaa indha-indheeyay qeybaha kala duwan ee ay xarunta ka koobantahay waxana uu kaga mahadceliyay dadkii isku howlay, isagoona xusay madaxweynuhu, muhiimada ay leedahay agoonta oo lacaawiyo iyo waxa ay inaga fartay diinteena suuban, sidoo kalana waxa uu balan qaaday madaxweynuhu, in dowladdu ay ka qeyb qaadan doonto dhismaha qeybaha dhiman.

Dhanka kale madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye, ayaa dhagax dhigay qeyb cusub oo hoy iyo wax barasho u noqon doonta gabdhaha agoonta, iyadoona xarunta ay iskugu jirto goob wax barasho iyo mid jiifba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.