Ciidamada Xooga oo Burburiyey fariisimo argagixsada ay ku laaayeen gobolka Sh/hoose

dagaal

Ciidamada Kumaandooska Danab gaar ahaan ururka 4-aad, guutada 16-aad, ayaa howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaanka Tooratoorow ee gobolka Sabeellaa hoose.

Degaankan ayay argagixisadu ku lahaayeen fariisimo iyo maxkamado beenaad ah oo ay shacabka ku dhibaateyn jireen, kuwaas oo ay ciidanka cagta mariyeen.

Intii uu howlgalka socday, ciidanku waxay sameeyeen baaritaano lagu xaqiijinayo ammaanka deegaanka, iyadoo ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen qori AK47 oo ay maleeshiyada dadka ay ku handadi jireen.

Howlgalkan ayaa daba socda, howgalo is-daba joog ah oo maalmihii u dambeeyay ay wadeen ciidamada xoogga dalka, kuwaas oo lagu baacsanayo haraadiga maleeshiyada Al-Shabaab

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.