Dhageyso:Wasiirkii Kenya ee u gafey gabar muslimad ah ayaa raali galin ka bixiyay hadalkiisii

ruqiyo

Hoggaanka Muslimiinta Kenya ayaa sheegay in uu “madaxa usoo dhiibtay wasiirka Waxbarashada Kenya, George Magoha, uuna ka dalbaday in ay wax walba ku xukumaan, kaddib markii ay caro xoog leh ka dhalatay hadal uu ku yiri gabar Muslim ah oo Soomaali ah.

Magoha ayaa isbuucii lasoo dhaafay gabadhan oo lagu magacaabo Ruqiya Buulle oo ka tirsan wariyeyaasha telefishinka NTV wadiiyay in ay ka socoto Al-Shabaab, ka hor inta uusan uga jawaabin su’aal ay waydiisay.

Madaxda Muslimiinta iyo Golaha sare ee Culimada Kenya ayaa ka fal celiyay arrinta uu sameeyay wasiirka oo ay ku eedeeyeen in uu “ku xad gudbay gabadha wariyaha ah uuna ka hayb soocay suxufiyiintii kale”.

Barfasoor Magoha ayaa sheegay inuu ka qoomameeyay erayada uu ku yiri Ruqiya Buule, isagoo si shakhsi ah u raalligeliyay wariyaha ka tirsan NTV, maadaama uu la xiriiriyay urur loo aqoonsaday argagixiso.

Waxa uu wasiirku kulan la yeeshay koox Muslimiin ah oo uu hoggaaminayay Xasan Ole Naado, oo ah ku xigeenka xoghayaha guud ee Golaha Muslimiinta Kenya, oo magaciisa loo soo gaabiyo “SUPKEM”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.