Daawo:Qalab caafimad oo la Gaarsiisey Isbitaalka Dhimirka ee Magaalada Baydhabo

isbitaal

Senator Xuseen Maxamed Daahir oo kamid ah Senetorada Aqalka Sare ee dalka ayaa maanta gaarsiiyay deeq caafimad Isbitaalka dhimirka ee magaalada Baydhabo, kuwaasi oo isugu jirtey daawo iyo sariirooyin loogu talagaley bukaanada Isibitaalka

Isbitaalkan oo ay ku jiraan 140 bukaan rag iyo dumar isugu jira. Waxaa dhaqan celin iyo daaweyn loogu sameeyaa bil walba 100 illaa iyo 300 oo bukaan jiif ah”. ayuu yiri Senator Xuseen oo la hadley Warbaahinta Qaranka.

Senator Xuseen ayaa intaa ku darey in Isbitaalka uusan wax kaalmo ah helin haba yaratee , Haddeey ahaan laheyd dhanka daawada iyo nolosha.

Senator Xuseen Maxamed Dahir oo katirsan guddiga horumarinta adeegga bulshada, arrimaha Beni-aadannimada, Warfaafinta, iyo Dhaqanka ayaa sheegay in uu u istaagayo siduu wax ugu qaban lahaa bushadiisa, gaar ahaan dhanka Waxbarashada iyo caafimaadka

Ugu dambeyn Senator Xuseen ayaa codsi u jeediyay dhammaan mutadawiciin ta jecel in ay wax caawiyaan in ay gargaar deg deg ah lasoo gaaraan isbitaalka haday ahaan lahaayeen ganacsatada iyo Jaaliyaddaha jooga wadanka banaankiisa.isagoo intaa ku darey in Far keliya aysan fool dhaqin oo si wada jir ah shacab iyo dowladdba ugu istaagaan wax u qabashada bulshadooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.