Sawiro:Wafti hor u dhaca u ah Madaxwayne Xasan Sheekh oo gaaray Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Caasimada Gobolka Baay Maanta waxaa gaaray Wafdi uu hoggaaminayey Agaasimaha Guud Madaxtooyada Qaranka Mudane Xuseen Shekh Maxamuud .

Wafdigaan waxaa qeyb ka ah Xildhibaano katirsan golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaliya  iyo Saraakiil ka socta  Madaxtooyada Qaranka.

Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdifatax Mahad Cabdiraxmaan ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo kuso dhoweyey Wafdi gaan uu Hogaaminayey Agaasimaha Guud Madaxtooyada Qaranka Mudane Xuseen Shekh Maxamuud

Wafdigaan maanta soo gaaray Magaalada Baydhabo ayaa Hordhac u  ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shekh Maxamuud oo lagu wado in Maalinta Beri ah uu so gaaro Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.