Siyaasiyiinta Jubbaland ku Matala Gedo oo Noqday dad aan Han lahayn

sayid

Siyaasiyiinta Jubbaland ku matala Gobolka Gedo oo isugu jira Madaxwayne kuxigeen, Senataro iyo Xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa hada ku sugan Magaalada Muqdisho, kamana mid aha Masuuliyiinta u tartamaysa ama raadsanaysa Xilka Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho Waxaa ka socda kulano lala yeelanayo Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kuwaas qaar kamida madaxwaynaha loogala hadlayo Cida noqonaysa Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya.

Siyaasiyiintaan kala Duwan ee Jubbaland ku Matala Gobolka Gedo oo hada ku sugan Muqdisho wax kulana oo ay la yeesheen Madaxwaynaha Soomaaliya ma jiraan, mana muuqato dadaalo ku aaday sidii ay uga mid noqon lahaayeen tartanka loogu jiro Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya, balse badalkeeda waxay Axmed Madoobe ka sugayaan inuu ayaga Jiheeyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.