Madaxwayne Xasan Sheekh oo Kulan La qaatay James Swan

jamesswan

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay maanta wakiilka gaarka ah ee QM ee Soomaaliya Ambassador James Swan.

James Swan ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu maanta Muqdisho kula kulmo oo uu si shakhsi ah ugu hambalyeeyo Madaxweynaha dhowaan la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka xog wareystay arrimaha mudnaanta u leh maamulkiisa.

Madaxwayne Xasan sheekh iyo James Swan ayaa ka wada hadlay sida ugu wanaagsan ee Qaramada Midoobay ay u sii wadi karto taageerada ay siiso Soomaaliya iyo dadkeeda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.