Sawiro:Xasan Sheekh oo Kulan La qaatay Madaxda Maamul Goboleedyada

xasansheekh

Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada dalka.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan qado sharaf ah u sameeyay Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah DFS.

Madaxweyneyaasha 5-da dowlad goboleed ee xubnaha dowladda Federaalka ayaa maanta kulan wadajir iyo booqasho ah waxaa ay ugu tageen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweyneyaasha maamul goboleedyada ayaa ku qotomay soo dhaweyn madaxweynaha cusub iyo is xog wareysi, waxaana uu bilaw u noqon doonaa wada shaqeynta dowlada Federaalka iyo maamulada xubnaha ka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.