Amniga Kismaayo oo Sii Xumaaday iyo Sarkaal Ciidanka iyo 2 Gabdhood oo lagu dilay

Waxaa Xalay magaalada Kismaayo lagu dilay Allaha u naxariistee Taliye ku xigeenkii guutada 11-aad, qaybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Ismaaciil Sheekh Isxaaq iyo laba gabdhood oo Awoowe uu u ahaa.

Sida ay Radio Muqdisho u xaqiijiyeen ilo wareedyo dhanka ammaanka ah, sarkaalka iyo labadaas gabdhood waxaa lagu dilay qarax miino oo guriga loogu xiray.

Sidoo kale seddax qof oo isla qoyska ah ayaa ku dhaawacmay qaraxaas, kuwaas oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee magaalada Kismaayo.

Ciidamada ammaanka ayaa caawa baritaano culus ka wada xaafadda Guul-wade ee magaalada Kismaayo oo ah xaafadda uu ku yaallo guriga lagu qarxiyey qoyskaan, waxayna baacsanayaan dhagarqabayaashii fuliyey qaraxaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.