Daahir Geelle oo Iskaga Haray Tartarka Musharaxnimada Madaxwaynaha Soomaaliya

daahirgeele

Musharax Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa ku dhawaaqay inuu isaga haray u tartanka doorashada xilka Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray Daahir Geelle ayuu ku sheegay inuu isaga haray tartanka doorashada Madaxweynaha, isla markaana waxaa uu u mahadceliyay taageerayaashiisa.

Qoraalkaan hoose ayuu daahir geele kushaaicyey inuu ka haray tartanka Madaxwaynaha Soomaaliya.

“Waxaan marka hore u mahadnaqayaa Alle, marka xigana kooxda iyo taageerayaasha olohayga murashaxnimo.

Waxaan si rasmi ah u shaacinayaa in aan ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xelli doorasheedkan, aniga oo sii wadi doona dadaallada aan ugu jiro toosinta iyo horumarinta siyaasadda Soomaaliya.

Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa mudanayaasha baarlamaanka ee sida dhaw ii garab istaagay muddadii aan ololaha ku jirnay.

Waxaan xildhibaannada baarlamaanka 11-aad ee JFS ku boorrinayaa uguna ducaynayaa in ay dalka u dooraan hoggaan wanaagsan oo astaan u noqon kara isbaddalka loo baahan yahay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.