Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa ka Tacsiyeey Geeridii Madaxwaynaha Emaaraadka Carabta

farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhambaal tacsi ah uga diray qoyska, shacabka iyo guud ahaan dowladda Imaraadka Carabta geerida ku timid, Alle ha u naxariistee, Madaxweynihii dalkaas, Mudane Sheekh Khaliifa Binu Saayid Aala Nahyaan.

“Mudane Maxamed Binu Raashid Aala Maktuum, Madaxweyne Ku-xigeenka Imaraadka Carabta, Mudane Maxamed Binu Saayid Aala Nahyaan, Dhaxal Sugaha Imaraadda Abu Dhabi, waxaan idinka, qoyska Madaxweynaha, shacabka iyo dowladda Imaraadka Carabka, la wadaagayaa murugada geerida ku timid, Alle ha u naxariistee, Sheekh Khaliifa Binu Saayid Aala Nahyaan, Madaxweynihii Dowladda Imaraadka Carabka.

”Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marxuum Alle uga baryey in uu u danbi dhaafo, kuna abaal mariyo jannooyinkiisa, isaga oo dowladda iyo guud ahaan shacabka Imaraadka Carabta u rajeeyay samir iyo iimaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.