Dhagayso:Galmudug oo Ka hadashay Dagaal ka Socda Gudaha Dhusamareeb

dagaal

Dagaal u dhaxeeya Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Ahlusunna ayaa ka socda Magaaladdan Dhusomarreeb ee Caasimadda Galmudug.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii ay xalay qaybo kamida Xaafadaha Waaberi iyo Dayax ay soo galeen Ciidamo ka tirsan Ahlusunna kuwaa oo muddo 6 Billood ah fariinsin ku lahaa degaanka Bohol oo 35 km dhanka Waqooyi Galbeed ka xiga Dhusomarreeb.

Dadka Shacabka ah ayaa inta badan Magaaladda iskaga barakacay, waxaana tiro yar oo Magaaladda ku sugnaa ay saaka ku waabiristeen Dhawaqa Rasaasta ay labadda dhinac isku ridayaan, waxaana Dagaalka xooggisa uu ka socdaa Xaafadda Dayax.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.