Madaxwayne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey Geerida Marwo Xaawo Cabdi

farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootey Marxuumad Xaawo Cabdi Samatar, oo ahayd Marwada, Alle ha u naxariistee, madaxweynihii hore ee dalka Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaad ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay Marwo Xaawo Cabdi Samatar oo ahayd Marwadii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Waxaan si gaar ah xanuunka tacsida ula qaybsanayaa qoyska Madaxweynihii hore ee dalka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumadda Alle u weydiiyey in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.