Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa soo saarey wareegto uu xilka uga qaadey saddex kamid ah wasiiradii ugu mahiimsanaa Maamulka Deni.
Wasiirada Xilka Laga qaaday ayaa kala ah, Wasiirka Maaaliyadda Xassan Shire Abgaal, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Wasiirkii Amniga Cabdisamad Gallan.
XEER KUSIME MADAXWEYNE Lr 98, May 5, 2022
Magacaabid Xubno Golaha Xukuumada Dowladda Puntland
Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha Dawladda Puntland
MARKUU ARKAY: – Dastuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 81-aad.
MARKUU ARKAY: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadoodo shaqo.
MARKUU TIXGLIYEEY: Shaqada Baaxada weyn leh ee Shacabka Puntland Ka sugayaan Xukuumada.
WUXUU XEERIYEY:
MAGACAABID
- Waxaa Cabdiqani Xaashi Cali Ciise (Bumbo) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dowladda Puntland
- Waxaa Axmed Xaaji Ibraahim Cartan (Bakiin) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland
- Waxaa C/risaaq Mire Xassan (Gaawiido) loo magacababay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland
Axmed Cilmi Cismaan (A. Karaash)
K/S Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-Xigeenka Dawladda Puntland
Write to Mohamud Osman
Leave a Reply