Guuldarada Jubbaland ku Dhacday Waxaa ka Masuuli ah Axmed Madoobe

Axmedmadoobe

Doorashadii Gudoonka Labada aqal ee Soomaaliya waxaa u tartamay Xildhibaano kasoo kala jeeda Maamul goboleedyada Soomaaliya kuwaas oo doonayey inay Xubno ka helaan labada Aqal ee Soomaaliya.

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa waxay ku haminayeen inay helaan qaybo kamida xubnaha sare ee Labada aqal ee Soomaaliya, Aqalka Sarre waxaa Gudoomiye kuxigeenka Labaad isu sharaxay Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil “Fartaag” wuxuu helay 23 cod halka Musharaxii kasocday Puntland Senator Cabdullaahi Cali Xersi “Timacadde” wuxuu helay 30.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya waxaa isu sharaxay Xildhibaan Xidig waxaana uu ku haray wareegii kowaad isagoo helay 6 Cod, halka Guddoomiye ku xigeenka kowaad uu u tarmay Maxamed Cumar Caano Nuug oo kasoo jeeda Juubaland waxaana doorashada uga adkaatay Marwo Sacdiya Xaaji Samatar “Sacdiyo Firinbi” oo kasoo Jeeda Puntland.

Guuldarada Soo gaartay Sadexda Musharax ee matalaysay Maamulka Juubaland ayaa waxaa loo sababaynayaa inuu ka masuul yahay Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe kaas oo intuu ka shaqayn lahaa midnimada iyo isku xirnaanta Xildhibaanada iyo Bulshada Jubbalaland waxuu ka shaqeynayey iska horkeenka Bulshada Jubbaland iyo inuu qaata talooyinka Siciid Cabdulaahi Deni.

2 Comments

  1. Waayahay, guul darada soo gaadhay farmaajana yaa ka masuul ah, anigoo qabiilayste wayn ah waxaan qabaa sacdiya firinbi xitaa hadeey axmed madoobe la tartanto waan wataa, sababtoo ah waxeey farmaajo ku dbigtay ayaanba ku diirsaday

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.