Madaxwaynaha Galmudug oo Gudoomiye u Magacaabay Gaalkacyo

qoorqoor

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Mudug ee Galmudug u magacaabay Axmed Xuseen shire (bukhaari).

Guddoomiyaha Cusub ayaa bedelaya Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee Galmudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye (Isxal) oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ahaa Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa la faray dhamaan Hay’adaha kala duwan ee Galmudug inay la Shaqeeyaan Guddoomiyaha Cusub si uu u guto waajibaadkiisa Shaqo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.