Daawo:Muuse Biixi oo Ka Qaybgalay Aas Qaran oo Loo Sameeyey Marxuum Cabdiqaadir Xaashi

muse

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa galabta ka qaybgalay Aas qaran oo xabaalaha Baqiic ee Waqooyiga caasimadda Hargeysa loogu sameeyey marxuum Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo kamid ahaa ganacsatada waaweyn ee dalka.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyeyaal ciidan, madax katirsan hay’adaha madaxa bannaan ee qaranka, xildhibaanno, madaxda dawladda Hoose ee caasimadda Hargeysa oo uu hormuud u ahaa maayarka caasimadu, siyaasiyiin, ehelka marxuumka iyo boqollaal katirsan shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa, ayaa ka qaybgalay Aas qaran oo loo sameeyey marxuum Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo kamid ahaa hormuudka ganacsiga Huteellada casriga ee Somaliland ka hanaqaaday.

Muuse Biixi Cabdi oo goobta jinaasada ka hadlay, ayaa ugu horrayn tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka, qaraabada iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu marxuum Cabdiqaadir Xaashi Cilmi ka baxay, waxana uu ku sifeeyey addoon wanaag badan iyo samo-fal hormarsaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.