Ciidanka xoogga dalka oo cagta mariyay fariisimo cadawgu kulahaa gobolka Shabeellada dhexe

dagaal

Ciidamada xooga dalka soomaaliyeed gaar ahaana guutada sidaxaad qeybta 27 aad ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah kooxda nabad diidka alshabaab ka fuliyay deegaanada kala ah mareerey, mukaydheere, shanlow, yaaqle iyo dhagaxow oo kawada tirsan degmada balcad ee gobalka shabeelaha dhexe .

Howlgalkaan oo uu hoggaaminaayey Janaral Saalax, abaan duulaha qeybta 27aad ee ciidamada xooga dalka iyo saraakiil kale ,waxa uu sheeay in deegaanno dhowr ah ay kala wareegeen kooxdaasi,isla markaana ay dileen 28 maleeshiyaad ah oo ka tirsana ururkaasi nabad-diidka ah.

Abaaduulaha qeybta 27aad ,janaral saalax oo la hadlay dadka deegaanadii laga saaray kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin la shaqeynta dadweynaha ,isla markaana ay u howlgali doonaan sidii dadka halkaasi looga dulqaadi lahaa dhibaatooyinka ay sababaan kooxdaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.