Daawo:Muuse Biixi oo Digniin u diray Dowlada Soomaaliya

muuse

Golaha Wasiirrada Ismaamulka Somaliland oo uu Shir-guddoominaayey Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Bixii Cabdi, kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa golaha wasiirrada ay fadhigoodii maanta kasoo saareen go’aammo muhiim ah oo ku saabsan qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland iyo dooddii ay Baarlamaanka dalka UK ka yeesheen madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Golaha wasiirada Somaliland wuxuu uga digayaa dawladda Soomaaliya oo hadda bilowday weerar qaawan oo ay ku qaadayaan xubnihii Baarlamaanka ee hawshaas galay, waxa aanu u sheegaynaa dawladda Muqdisho ee hawshaas ka talinaya in waxaasi sii kordhinayaan nacayb, kala fogaansho iyo colaad dheeraata oo aad ku beeraysaan Soomaalida gudaheeda, Somaliland-na maaha mid ay cidi ku qasbi karto inay noqoto madax-bannaanideeda iyo masiirkeeda, horena way ugu muujisay naf iyo maalba, haddana waa u diyaar”.





























Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.