Ciidamada Dowlada oo Baydhabo kusoo bandhigay Rag ka tirsan Shabab

ciidankkofurgalbeed

Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya gaar ahaan Taliska Qeybta 60aad ayaa Magaalada Baydhabo kusoo bandhigey Mid ka Mid ah Argagixisada Alshabab oo ay Gacanta kusoo dhigeen Ciidanka.

Daa’uud Cabdirashiid Xuseen oo Magaciisa Afgarashada uu yahay( Abdi kaafi ) oo ka tirsan kooxda Nabadiidka Alshabab ayaa gacanta kusoodhigey Ciidanka Ururka 47-aad guutada 8aad ee Qeybta 60aad Xoogga dalka Soomaaliyeed, kadib Howlgalo Ka dhan ah Nabadiidka Alshabaab ay ka wadeen Ciidanka tuulooyinka hoos yimaada Deeganka Deynuuney ee Goboka Baay .

Cabdikaafi ayaa Alshabab ku jirey 2-sano Wuxuu u qaabilsanaa Amniyaadka, Sahanka iyo Soo qabashada ka shaqeeya . isagoona ka qeyb qaatey Dagaalo dhowr ah oo ka dhacay deeganada Gobolka Mudug halkaasi oo Alshabab uga biirey Markii hore.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.