Akhriso:Qaramada Midoobay oo Beenisay In shaqaale Ka Tirsan UN Lagu Qarxiyey Muqdisho

Un

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo dad badan ku waxyeeloobeen.

WarSaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ayaa lagu beeniyay wararka sheegayay in Shaqaale iyo Qandaraasleyaal ka tirsan Qaramada Midoobay lala beegsaday weerarka oo mas’uuliyadiisa sheegteen Al-shabaab.

“Waxaana ay tacsi u direysaa ehelada dadkii ku dhintay weerarkaas, iyadoo u rajeysay kuwa ku dhaawacmay caafimaad degdeg ah. Si ka duwan wararka qaar ee horay u soo baxay, ma jiraan shaqaale Qaramada Midoobay ka tirsan ama qandaraaslayaal ah oo ku jiray kolonyada la beegsaday” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Qaramada Midoobay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.