Dhageyso:GalMudug oo ka hadashey saraakiishii dowladda Soomaaliya ee ku dhintay Dagaalka AlShabaab

Galmudug

Waxaa maanta la aasay meydadka saraakiil iyo askar ka tirsanayd military-ga Soomaaliya, oo shaley gelinkii dambe ku dhintay dagaal ka dhacey deegaanka Cado Kibir, oo ku dhaw degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Saraakiisha la aasay waxaa kamid ahaa Gaashaanle Sare Cabdiqaadir Maxamad Cartan, oo ahaa taliyihii hawlgelinta Qeybta 21-aad, iyo Gaashaanle Dhexe Cali Maxamad Soocade, oo ahaa taliyihii Guutada 13-aad ee Qeybta 21-aad.

Wariyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan, ayaa taleefanka kula hadlay wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle, hoos ka dhagayso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.