Golaha Wadatashiga Qaran oo kulan la yeeshay Bulshada Rayidka

rooble

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socda Magaalada Muqdisho ayaa maalintii saddexaad oo xiriir ah ka socda xerada Afisyoone kaasi oo ay ka qeyb galayaan Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Golaha ayaa Maanta kulan la yeeshay wakiillo ka socda Bulshada Rayidka ah iyo haweenka Soomaaliyeed oo ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka dalka, iyagoo ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan hufnaanta doorashada iyo xaqiijinta qoondada haweenka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.