Guddoomiye Ku-Xigeenka Barlamaanka Galmudug Oo Ka Horyimid Go’aankii Gacliye

galmudug

Shalay bay ahayd markii amar kasoo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamul Goboleedka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal fadhiyada Baarlamaanka looga joojiyay 6 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaas.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Galmudug Cabdullaahi Xirsi Maxamed ayaa ka horyimid Go’aan isaga iyo Xildhibaano kale uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal uga joojiyay afar fadhi oo kamid ah fadhiyada Baarlamaanka iyo Gunadii ay qaadanayeen.

Guddoomiye ku xigeenka Barlamaanka Galmudug Cabdullaahi Xirsi ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug dr Gacal ku eedeeyay inuu ku xadgudbay sharciga iyo xeer-hoosaadka Maamulka, isla markaana uu ku been abuurtay Dastuurka u yaalla Maamul Goboleedka Galmudug.

Guddoomiye kuxigeenka Barlamaanka Galmudug Cabdullaahi Xirsi Maxamed oo war Qoraal ah oo uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in Guddoomiye Maxamed Gacal isticmaalay awood dheeraad ah oo uusan siineynin xeer-hoosaadka Baarlamaanka, uuna soo saaray Warqad uu ku carqaladeynayo habsami u socdka shaqada Baarlamaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.