Maxaad Kala Socotaa Hagalkii Soomaalida ee Gumaysi Diidka ahaa 1862-1920 Q.8aad

calan

Ayadoo daraawiishi tabar xun tahay, arintoodana tahay goronyo habeen kudumay oo kale ayaa guutadaasi goor subax ah weerar kubalaarisay daraawiishtii xanuunsaneyd, aduun waxey daraawiishi heysatayna waa qaateen, xoolo kale hajoogeene geelii maalintaas daraawiish lagahelay wuxuu labaxay hagoogane, waxaana magacaa loogu bixiyay ninkii colkaa lasocday oo geelaas wax kasaayooday kibir buu lahagoogtay, ninkii haray ee aan colkaa sooraacina markuu arkay raggii kasaami qaatay sidey uhodmeen ciil buu lahagoogtay, ninkii ladhacay ee lahaa geelaana waa daraawiishtii xanuunsaneyde caloolxumo bey lahagoogteen.  

Markii dagaalkaa gaadma ah uu dhacey sayidka iyo rag lasocda waxey galeen  buur weyn oo layiraahdo qarijaqood oo webi shabeele dhinaca waqooyi kaxigta, dhowr boqol oo daraawiish ah marnaba aan kutashan iney sayidka kaharaan oo kugoostay iney ladhintaan ayaa kadaba tagey sayidka, degmooyin meelahaa yiilay waxyaroo cunto ah ayaa laga helay, daraawiish waa ceydhay, waxar geed daaqda laguma oga, dadna meeluu joogaba waa ucol, habeenkaasuu sayidka uyeeray raggii meesha joogay oo wuxuu yiri aduun waa sidaad aragtaane ninkii caawa talo garanayaa tali, rag wuxuu yiri aan adhari iyo xabashi galno, rag kalana wuxuu kutaliyay aan talyaani ugalno, rag kalana wuxuu soo jeediyay beer kafalanaaba iyo waxkale allaah nagasiiyaaba aan biyaha webi shabeele ukacno. 

Aw-cabdalla ibraahim oo kmid ahaa madaxdii daraawiish ayaa sayidku laba waraaq usii dhiibey oo wuxuu kuyiri mid kamid ah waraaqaha ugee cismaan gabaa oo qabiilka duubo boqor uahaa, una waran, waraaqda kalana ugee Cali inteeli dhaadi oo caruusa boqor uahaa oo uwaran, arlada dadka Dagan ilaaley, naftaadana ufeejignoo, meel aynu dagnana inoo horseed. 

Maalmihii aw-cabdile ibraahim iyo nimankii lasocday war laga sugaayay ayaa daraawiishtii baladweyne fadhiday oo uu hogaaminayay xaaji maxamed macalim caga dhiig ay soo guurtay oo ay sayidka ugu yimaadeen qari jiqood, balse markey kasoo baxayeen baladweyne waxey uwaceen cali yuusuf keenadiid inuu qabsado baladweyne intuu talyaani qabsan lahaa. 

Talyaanigii markuu maqlay in Cali yuusuf ciidankiisii qabsadeen baladweyne wuu kaxumaaday wuxuuna udacwoodey Cali yuusuf, lixboqol bunduq oo hadiyad ahna wuu siiyay, wuxuuna kuyiri baladweyne haleyga kaco, cali yuusufna waa ka ogolaaday, sidaa baana talyaanigu baladweyne kuqabsaday dagaal la aan 4/9/1920. 

Sayidku markuu labadii waraaqood direy ayuu kasoo guurey buurtii qari jiqood, waxey sii kufaa kacaanba webi shabeele degtiisii waqooyi bey degeen, aw-cabadulana waa yimid, hawshii loo direyna wuu kawaramay. 

Cismaan gabaa iyo raggiisii waxey kushireen webiga degtiisa koonfureed, sadax nin ayaana kasoo gudubtay dhankooda oo sayidka ugu yimid degtii kale ee webiga,  sayidku sadaxdii nin wuxuu kala siiyay sadax maadhin yare, kolkaasuu lahadlay oo nin kamid ah raggii wuxuu kuyiri walaashaa baan doonay, nina wuxuu kuyir gabar baan kusiiyay, ninkii sadaxaadna wuuu kuyiri gabadhaadaan dooney, waxaa lasheegaa waagaas xididnimada ayaa qiimo lahayd, waxtarna lahayd, deeto dhowr doonyood ayaa lookeenay sayidkii waxaana lagu yiri adiga iyo dadkaada degta kale usoo talaaba, intii daadgureynta socotey ayaa daraawiish  lixnin iyo laba faras waxaa kacuney yaxaas. 

Arladu nabad maaha oo dhaca, iyo duulaanka waa joogto, daraawiishtii waxey degtay goane iimey xayeesinkeedii, iimey waa buur aan weyneyn oo garan garsan oo webiga dhinac kuheysa, dhinaca kale waa dhagax aan lafuuli Karin. 

 Sayidku markuu meesha indha indheeyay wuxuu yiri halkan dhaafi meyno, berina xoolaa inoo imanaya ee waa ineynu buurta ilin lagasoo koro usameynaa, dusheedana laba daarood kadhisnaa sidaa beyna iimey kudageen. 

 Labadii daaroodna waa ladhisay waana meeshii ugu dambeysay oo daraawiish qalcad dagaal kadhisato, magacoodana ugu dambeysay. 

iyadoo hawshii dhismaha lagu dhaxjiro ayaa goor subax ah sayidkii laba Nin kaxeystay oo wuxuu tagay meel webiga jiinkiisa ah oo meesha daarta weyn laga dhisayo aan kafogeyn, wuxuu damacsanaa in labadaas Nin gooyaan laba geed oo siiq ah oo webiga jiinkiisa kuyaal si daarta loogu qori saaro, iyadoo labadii nin geedka goyneyso sayidkiina agfadhiyo, dheri haruur ahina labada nin dab usaaran yahay ayaa sayidkii xanuun yar oo caajis lagu tilmaamay qabtay, inkastuu cabaar is adkeeyay mardambe ayuu kor usoobaxay oo wuxuu galay aqalkiisii kadibna waa jiifsada, nimankii gaarka ahaa wuxuu kuyiri yaan la ii iman, hase ahaatee duhurkii dabadiisii ayuu sayidku uyeeray laba gabdhood oo walaaladiis ahaa waana jamaat iyo raaxo oo wuxuu usheegay inuu xanuun hayo, casarkii markii ay ahaydna wuxuu uyeeray abshir dhoore wuxuuna kuyiri galabta culeys baa isaaran ee daraawiishta kala maamul, gaar adagna ratiba, deeto markii maqribkii gadaalkiisii lagaaray ayuu labadii gabdhood iska diray wuxuuna kuyiri abshir dhoore haii yimaado, sida laweriyay abshir dhoore kala maamulidii daraawiish ayuu kudaahay wuxuu mardambe utagay sayidkoo naftu deysay oo dhintey, markuu hubsaday inuu meyd yahay intuu maradii ku daday oo aqalkii daaha urogey ayuu labadii nin oo gaarka ahaa kuyiri aqalka yaan cidi gelin, deeto wuxuu uyeeray dhowr nin oo qusuusidii daraawiishta kamid ahaa si uu arinta ugu sheego, raggaas waxaa laga tilmaamaa sheikh yuusuf cabdule oo sayidka walaalkiis ahaa, xuseen faarax, xuseen dhiqle, iyo aw-cabdile ibraahim, inyar kadibna waxey uyeereen dhowr nin oo farsamo iyo aqoon labidaayay maxaa yeelay waxey doonayeen in guriga uu sayidku kudhax dhintey iney qabriga kadhax qodaan waana buur dusheeda oo sidii qabri looga qodi lahaa ubaahan xoog iyo qibrad, sidoo kale in warku dibada uga baxana wey ka af heysteen, deeto qabrigii bey kajeexeen qolkii dhaxdiisii, markaasey dhaqeen oo kafneen, meydkiisiina iilka jiifiyeen 23/2/1920-kii. 

Dadkii daraawiishta ee meeshaa kusugnaa bey subaxdii isugu waceen oo usheegeen in sayidkii xijaabtay, deeto umadii daraawiish ku abtirsan jirtay ee meeshaa joogtay anfariir baa kudhacay, waxeyna noqdeen laba qeyb, wixii reer sheikh cabdile ahaa oo sayidka walaaladii iyo xigtadiisii kakoobnaa iyo dadkii aan kahari Karin waxaa loo raray gurigii reer dhaadhi oo markaas caruusa madax uahaa, intii kale waxey noqdeen nin bari iyo nugaal ukaca, iyo nin webi shabeele hoos uqaada oo talyaani ugala, nin waliba meeshay la ahaatay ayuu nafta la aaday. 

Dhowr sano kadib ayuu ingiriiskii iskudayay in meydka sayidka qabriga laga soo saaro, si lafihiisa iyo maskaxdiisa loo baaro. 

Maxamed xaaji xuseen sheeka xariir iyo rag kale waxey weriyeen iyadoo afarsano daraawiish jabkeedii laga joogo ayaa ninkii ingiriiska ee xukumayay gobolada waqooyi kadiray safar ujeedkiisu qarsoodi ahaa, lana rabey in meydkii sayidka qabriga laga soo saaro, hase ahaatee xabashidii dhulkaa katalineysay waa laga qariyay, wuuna fashilmay iskudeygaa. 

Xaaji isaaq dhaadhi oo caruusada boqor u ahaa kana mid ahaa qoyskii sayidku xaasaska kala dardaarmay wuxuu yiri markale ayuu ingiriisku xabashida weydiistay in arintaas loo ogolaado, aduuna wuu kubixiyay sidii loogu ogolaan lahaa, boqor xeyle salaase taa wuu ogolaaday, kadibna waxaa ladiray saraakiil ingiriis ah waxeyna utageen xeyla salaase, waxeyna kacodsadeen in lagu kaalmeeyo sidey iimey kutagi lahaayeen, dabadeed markii awr iyo askar loo diyaariyay laba meelood bey iska dhigeen, mid walibana nin ingiriis ah ayaa watay, deeto adari bey ka amba baxeen, webi shabeele labada degood baa qolaba deg qaaday, sida lawariyay iyadoo qoladii dagta harar martay habeenkii meel dageen, xoolana kuqasheen ayaa dhurwaa raqdii xoolahii ay qasheen soo raacey, baqlihii baa kadiday, kadib amxaar baa intuu sasay xabad riday, col inuu mirey bey moodeen dhamaantood rasaas bey isku fureen waxyeelo beyna gaarsiisay rasaastii, arintaa markey dhacdey oo hadafkii fashilmay ingiriisku waxey uqaateen in xeyla salaase shirqool udhigey. 

Markale Xaaji isaaq maxamed dhaadhi oo ahaa boqorkii caruusa ee muslimka ahaa wuxuu yiri anagoo gindhir joogna ayaa waxaa noo timid waraaq uu soo direy walaalkey suldaan nuux maxamed dhaadhi isagoo noo digaya oo leh qabrigii sayidka ayaa gaalo kusoo duulaan tahay, waxaana ladoonayaa in meydkiisa lalabaxo ee kagaara oo lafihiisa qabriga kasaara, dabadeed aniga , xaaji axmed cabdule xasan, sheikh xasan sheikh abdule ayaa rag iyo awr kaxeysanay oo meydkiisii qabriga kasaaray, sayidka hilibkiisii madhiman, midabkiisiina madoorsoomin, marbaan is niri waa nool yahay, culeyskiisii waan heyn weynay, waxaanan ku aasnay meel layiraahdo jaljali oo degmada gindhir ah. 

Daraawiishtii ugalay caruusada dabkiina wey kaqaateen, xoolihiina waa laga dhacey, ayadoo arintu sidaa tahay ayaa rag hawo Kama dhamaatee gabdhihii reer sayid iyo dumarkii daraawiishtii dhimatay nin waliba oo caruusadii ah kala halabsaday, qacdii horaba gabar la oranjirey 

Lasoco qeybta 9aad hadduu allaah idmo.     

Diyaariye: cabdicasiis khaliif bare.       

Email address: abuhamaam@hotmail.com    

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.