Guddomiye Ciro oo la Kulmay Guddiga Qoondada Haweenka

ciro

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal, mudane Maxamed Xasan Ciro oo ay weheliyaan waaxda qoondada haweenka ee guddiga iyo xubno kale ayaa maanta kulan la qaatay guddiga xaqiijinta qoondada haweenka, waxayna ka arrinsadeen sidii looga wada shaqayn lahaa hufnaanta doorashada iyo doorka haweenka.

Kulankaan ayaa qayb ka ah wadatashiyo guddiyada iyo qaybaha doorashada ku lug leh oo socday todobaadyadii la soo dhaafay, loogana arrinsanayo sidii doorashada loo sugi lahaa hufnaanteeda iyo in la dedejiyo, si wadanku uga baxo xaaladda kala guurka ah. 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.